Sheeko jacayl oo gaaban: Ma sariirtay guursatay mise aniga?!

 



Inantu wey ka war haysaa xaalka inanka iyo guud ahaan xaaladda dalka labadaba. Waxay la haystaa wadciga waddanka oo shaqo la’aan baahsani ka jirto. Goobaha loo shaqo tagaa wey iska kooban yihiin, weliba inta badan cidda ka hawl gashaa waa inta ay cudud adagi ka danbayso. Sidaa daraadeed, waxay ku ogoshahay in ay ku raacdo faro madhnaanta yarka ay is calman doonaan. Wiilku wuxu u sheegay in uu jiro walaalkii oo Yurub jooga oo u ballan qaaday in uu biilkiisa ka adkaan doono, Intuu shaqo ka helayo.Durtaba waxay gaadhay maalintii meherku dhacayay. Waxa shalay oo kale yimi walaalkii si u uga soo qayb galo madasha meherku ka dhacayo. Sida caadada ah waxay xaafadaha xididay is waydaarsadeen hadalo hoos ka tuur ah iyo kaftan bilaa turxaan ah. Waxa loo soo agaasimay si aad u sarraysa, waxayna u dhacday sidii ugu fiicnayd.

Sida caadada inoo ah, waxa xilliga meherka iyo aqal galka loo dhaxaysiiyaa muddo kooban. Wiilka culays ayaa saran. Nasiib wanaag, wuxu isku hallaynayaa yarta ay is calmadeen oo si walba ku ogol. Waxay inantii ku kulmeen xaafad si ay uga wada hadlaan arrinta aqal-galka ee hor taal. Waxa meeshii kaga soo baxay hadallo lama filaan ah. Marnaba maankiisa muu soo gashan inay sidaas ula kalaami doonto. Waxa ka soo yeedhay weedho dhabar-jab ku noqday. Waxa markiiba ku soo ururay niyad jab wejigiisii ku beddelay in ka yar daqiiqad “Aniga haddii aan arooska la iigu dhigayn meel heblaayo, oo aanay ka soo qayb gelayn dad tiro badan oo rag iyo dumarba isugu jira, oo aan habeenka la iga tumayn, ha i hawaysan. Anigu adduunyadaba habeenkaas oo qudha ayaan ka leeyahay. Sidaa daraadeed, si berri subax hablaha oo dhan iiga sheekaystaan waa in kharash badan igu baxaa!” Weliba waxay intaas ugu dartay “Xagga gurigana, haddii aan fadhiga ugu qaalisan fadhiyada la ii goglayn, habeenkiina aanad igula seexanayn hurdo dhulka ka kacsan laba Mitir, qolka cuntadana aan qalabkeedii lagu agabaynayn, ha i hawaysan. Hablaha aan saaxiibka nahay ayaa ii soo booqanaya. Haddii ay iigu imaadaan guri aanu adduun badan gelin, saw igu caayi maayaan? Ha igu ceebayn meesha xabiibi!”Wuxu isku dayay inuu u caqli celiyo. Wuxu xasuusiyay inay markii hore ku ogolayd in ay hal qol fadhi, hurdo, iyo madbakh ba ka dhigtaan. Wuxu soo xasuusiyay in ay ku tasbiixsan jirtay inay caw ku wada seexan doonaan, inay maalinna qadi doonaan maalinna dhargi doonaan, balse ay ku dedaali doonaan kobcinta jacaylkooda, korinta ubadkooda, iyo adkayna xidhiidhkooda. Hase yeeshee, dhagba jalaq umay siin calaalkiisii. Mararka qaar waxay ugu war celinaysay inay kaftan ka ahayd, halka ay marar kalena dafiraysay balamahay soo dhigteen.Wiilkii talo ayaa ku caddaatay. Wuxu arrintii la socodsiiyay walaalkii. Isaguna si uu u ilaaliyo mooralkiisa wuxu u ballan qaaday inuu kafayn doono kharashaadka ku baxa agabaynta guriga inta karaankiisa ah, wixii kalena ay amaahan doonaan. Wuxu u sheegay in maadaama oo xilligii meherka uu ka baxay kharash tiro badan sida gabbaati, yarad hortii iwm, in aanu gabadha eryin ee uu dalabkeeda aqbalo.Waxa arrin la yaab leh ah in hablaha soomaaliyeed aanay badankoodu lahayn caqli ku Filan oo ay ku qiimeeyaan waaqica dalka ka jira. Waxay si kama’ ah u dalbadaan in guriga lagu agabeeyo alaabo qaali ah. Sidoo kale, waxay ku andacoodaan in habeenka arooska kharash adag ku baxo. Ma yaqaanaan adduun lama hayo, maankooda ma gasho in ay lacagtu iska iman doonto. Waxa ka sii caqli daran ragga soomaaliyeed. Waxay iska yeelaan dalab kasta oo ay gabadhu ka dalbato, iyaga oo ku sababaynaya in kharash hore kaga soo baxay xilligii meherka. Guud ahaan, waxa iyaduna wax laga xumaado ah in aanu midkoona fahan sanayn sababta saxda ah ee la isku guursado. Halkii ay ahayd inuu guurku ku salaysnaado is kaabis iyo is dhammaystirid, ayaa guurka soomaaliyeed wuxu ku salaysan yahay daba ka wer-wer xagga ragga ah iyo lacag-doon joogto ah oo xagga dumarka ah.Waxba yaanan hadal idinku daalinin’e, arooskii wuxu u dhacay siday inantu u rabtay. Gurigiina waxa loo agabeeyay siday u dalbatay. Sariirtu waa tii u qaalisanayd, fadhiguna ka sii daran, cuntadana shaw agab u gaar ah bey leedahay. Sidu gurigii u nuurayo kaalay arag. Indhihii arkaa wey ku nuursanayaan.Waxa arooskii ka soo wareegay muddo laba todobaad ah. wiilkii habeen kasta wuxu seexdaa qolka fadhiga, qolkii hurdadana wuxu u daayay Inantii. Uma dhawaado, kama ag wareego xitaa kadinka qolka hurdada ma furo. Marku subixii hurdada ka kaco si toos ah ayuu uga baxaa guriga, marku habeenkii soo hoydana wuxu is tuuraa fadhiga dushiisa.Inantii sariirtii ku cidlootay. Waxay mar kasta weydiisa waxa ku dhacay yarka ay is calmadeen, isaguna hadalka uu u soo koobaa isaga oo ugu war celiya in aanay wax dhibaato ah jirin. Waxay isku daydaa in ay ogaato sababta dhabta ah ee uu dayrada uga noqday, balse kuma guulaysato. Waxay go’aan ku gaadhay in ay u samirto afkeedana ilaashato. Habeenkii hurdo ma laddo, subixiina gurigu waa ku cidlo. Waxay keligeed dhex meertaa qolaalka gurigu ka koobanyahay.Samirkii iyo dulqaadkii ayaa ka dhammaaday. Aamusnaanteedii waxay gaadhay inuu xadkii loogu talo galay dhaafo. Waxay go’aansatay in ay cabasho u dirto reerkoodii iyo tolkay ka soo jeedday labadaba. Waxay u sheegtay siday wax u jiraan, markay is tidhaahdo wax weydiina uu ugu war celiyo in aanay waxba jirin. Dabadeed, tolkii xagga inantu waxay war-geliyeen tolkii xagga inanka iyaga oo raba in lala gar naqsado. Waxay ku doodayaan in inantii uu inankoodu la aqal galay uu ula dhaqmay si bani’aadannimada ka baxsan, halka ay ahayd inuu ula dhaqmo si ay milgo iyo sharafi ku dheehan tahay.Waxa isku imi odayaashii, wiilkiina waa loo yeedhay. Waxa la waydiiyay sababta ay inantu uga cabanayso. Cabbaar ayuu yara aamusay. Intii madasha fadhidhay dhammaantood isaga ayey indhaha ku gubayaan. Waxay ka sugayaan jawaab macquul ah. Haddii kale, waxayodayaasha ergada u ah dhanka inantu u soo milicsanayaan xaal-afeed iyo xaal-xooleed labadaba. Ileen nin gartiisa soo akhristay ayuu ahaayee, wuxu mar kaliya la soo booday hadal deggenaansho iyo ka baaraan dagis badani ka muuqato, wuxuna yidhi “Inanta guurka ka hor, si fiican ayaan isaga war haynay. Waxa la gaadhay xilligii meherkii. Alle mahadi ha ugu sugnaato’e, wuxu u dhacay si meeqaam sare leh. Ilaa wakhtigaa hawluhu sida ugu fiican bey u socdeen. Waxay mushkiladdu bilaabantay xilligii arooska. Halkay aniga ila tashan lahayd ayey la soo tashatay asxaabteeda iyo qaybo ka mid ah qaraabadeeda. Iyada oo ka war haysa jeebkayga iyo ka walaalkay labadaba, ayey dalbatay in loo dhigo aroos kharash badani ku baxayo, iyo in guriga loogu agabeeyo alaab qaaliya. Waxan isku dayay in aan u caqli celiyo laakiin kuma guulaysan. Aniga oo tix gelinaya aqalka cusub ee aanu yagleelannay, ayaan agabka guriga u yaalla u soo amaahannay. Waxa ugu qaalisanaa sariirta oo laba Mitir dhulka ka kacsan. Kaas iyada ayaa si gaar ah u dooratay, run ahaantiina qiimihiisu u sarreeyay. Markan soo amaahday kaddib ee qolka hurdada lagu goglay, ayaan ku idhi “Ku seexo adigu kelidaa!” Haddaba, aan su’aal idin weydiiyo’e, inanta MA SARIIRTA AYAA GUURSATAY MISE ANIGA?! Waxa intaas ii dheer, suuqii ma gaadhi karo. Meheradihii aan alaabta ka soo amaahday ayaa sakad walba iga daydayanaya!” Wuxu intaas ku sii daray “Anigu jid baxshe ayaan ahay, gar naqsigayguna waa mid adag oo ceeb la’aan ah, intii aanan madashan iman ka hor ayaan hore u soo naqday!”Odayaashii hadalba uu ka soo bixi waayay waayo meesha waxba ugama bannaana. Waxay u garaabeen sida wanaagsan ee uu gartiisa u akhristay. Waxay go’aan ku gaadheen in ay gabadha u caqli celin doonaan, deynta lagu yeeshayna ay ka gudi (bixin) doonaan. Wixii intaa ka danbeeyana uu gabadha ula dhaqmo sidii xaaskeeda oo kale, si la mid ah sida ay iyadana ugu sheegi doonaan in ay ula dhaqanto sidii ninkeeda oo kale.!

Maanhuriye.blogspot

Waxa hankeenu yahay isku xidhida ka dhexeeya bulshada inaynu soo dhawayno

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post