Odhaahyo aad u qiimo badan oo ku saabsan akhriska





  • " Waxa ay doonayaan in ay furtaan dunida iyaga oo ka wahsanaya in ay kala furaan buug " 
  •  " Akhrinta buugaagta wanaagsan oo dhani waxa ay la mid tahay la sheekaysiga dadkii ugu wanaagsanaa qarniyadii tegay!              
  • " Wax-akhrisku waxa uu ii yahay hab aan ku ballaadhiyo garaadkayga, ku kala furo indhahayga, kuna buuxiyo qalbigayga."                           
  • " Qol buugaag la’aan ahi waa sida shaadh bilaa baldhamo ah." 
  • " Buugu waa macalin amuusnaan wax kugu baraya " 
  • " Bilaa buug haddii aan ahaan lahaa, beri hore ayaan waalan lahaa." 
  • " Hal buug oo aad u fiicani waxa uu u dhigmaa boqol saaxiib oo wanaagsan, balse hal saaxiib oo wanaagsani waxa uu u dhigmaa maktabad iska dhan! " 
  • " Tani waa wax u gooniya buugaagta; waxa ay kuu oggolaanayaan in aad socdaasho adiga oo aan tallaabo qaadin".
  • " Mar allaale marka aynnu dhammayno akhrinta buug, waxa aynu ka dhigannahay sidii qof macasalaameeyay saaxiib qaali ku ahaa! "
  • " Hal cunug, hal bare, hal qalin iyo hal buug ayaa dunidan wax ka beddeli kara! "
  • " Inta aanad hadlin ka hor, feker. Inta aanad fekerin ka horna, akhri.
  • Waxan dareema farxad iyo xasiloni markan sarirta ku dul jiifo ee aan gacanta ku haysto buug wanagsan , waxan ilooba dhibaatada ka jirta addunka .
  • 《Haddi aadan ahayn qora anfaca dadka Noqo Akhriste anfaca naftiisa 》

  • Waa xikmado iyo hadalo laga soo tabiyey akhristayaal 🥰




Maanhuriye.blogspot

Waxa hankeenu yahay isku xidhida ka dhexeeya bulshada inaynu soo dhawayno

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post