- Haddii aad la fadhiisato jaahiliinta aamus, hadiii aad la fadhiisto culimada amus, maxaa yelay kan jaahiliint dulqaad ayaa kaga kordhaya, kan cuulimada aqoon ayaa kaga kordhaysa.
- Aqoontu ma ahan barashada xaqiiqooyiin jira, ee waa maskaxda oo la tobabaro sidii ay u fekeri laheyd.
- Si' walba Oo aad utahay qof bulashada dhexdeeda laga jecelyahay, Hadana waxaad arkeysaa qof nafsi ahaan u xanuunsan oo bilaa sabab iska kaa nacayo.🤔
- Jooji fikirka badan oo ficil samee. Haddii aad dooneyso in aad hawl qabato waa in aad ku dhaqaaqdaa hada. Yaysan kugu qaado maalmo, isbuucyo iyo bilo in aad ka fikirka.
- Waligaa haysku dayin inaad ka dheeraato qof markasta ku garab taagan wax kula qabta noloshaada tiiso kale ka soo qaaday🦋Waayo waxa laga yaaba inaanad helin qof isagoo kale ah mar aad garab u baahantay
Markaad dareento murugo iyo cidhiidhi, dib ugu laabo quraanka waayo Allah wuxuu yidhi: ( وَمَنْ أَعْرَضَ عَنْ ذِكْرِي فَإِنَّ لَهُ مَعِيشَةً ضَنْكًا )Qofkii xuskayga ka jeedsada waxaa u sugnaatay nolal cidhiidhi ah- Rajadaadu ha qaabeyso mustaqbalkaada adigoo u maraya hanaankeeda, Balse ha u ogolaan dhaawacyada nolosha kusoo gaara iney qaabeeyaan mustaqbalkaada iyo habsami u socodkaada maalinlaha ah.Waxa ugu weyn aad ku gaari karto rajadaadu waa inaad dulqaadkeeda yeelataa.