Haddaad taqaan naftaada iyo midda cadawgaaga;uma baahnid inaad ka cabsato natiijada boqollaal dagaal, haddaadse naftaada taqaan oo aad garanayn awoodda cadawgaaga,guul'kasta waxa ku xiga jab. Haddiise aad adiga is aqoon, cadawgaagana aqoon waxaad ku sugnaan guul'darro dagaal kasta oo aad gasho.
Qofna ma fiirinayo oohintaada.. qofna ma fiirinayo murugtaada.. qofna ma fiirinayo xanuunkaaga.. Dadka badankiisu khaladaadka uun ayaa u muuuqda (Waa dadka qaarkii)
Qofka ma barankartid ilaa aad la safarto ama aad la ganacsato ama aad wax amaahiso ama aad wax ka amaahato,haku hodmin Codkaa macaan
Illaw qofkii shalay ku dhaawacay, balse ha ilaawin kuwa ku jecel maalinwalba. Illaw tagtada markaad xasuusato kaa ooysinysa, xoogana saar timaatada markaad ka fikirto kaa farxinaysa. Illaw xanuunka balse ha ilaawin cashirada uu ku baray. #En.
